Madaxweyne
From Wikipedia, the free encyclopedia
Madaxweyne (Af Carabi : arā; Af-Taliyaani : presidente; Af Ingiriis : president) waa madaxa ugu sareeya ee dowlada wadan ama dal. Sida caadiga ah, madaxweynuhu waxa uu madax u yahay dhamaan xubnaha dowlada oo dhan. Waxaa mararka qaar dhacda in ra'iisul wasaaruhu ka awood sareeyo madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynuhu waxaa inta ugu badan ku soo baxaa doorasho shacabka ama golle.
Dhinaca kale, ereyga "madaxweyne" waxaa sidoo kale isticmaala ururada madaxa banaan, shirkadaha ganacsiga iyo xisbiyada; kuwaasi oo macnaha ereygu u taagan yahay "qofka ugu sareeya ururkaasi ee go'aanka ugu dambeeya gaadhi kara".