Qoraal
From Wikipedia, the free encyclopedia
Kani waa maqaal ku saabsan "Qoraalka", haku khaldin "Qoraa".
Qoraal (Af Ingiriis : writing; Af Carabi : arā) waa nidaam xarfo loo habeeyay si kala horeeysa taasi oo loo isticmaalo in lagu gudbiyo ama keydiyo fariin, warbixin, aqoon iyo akhbaar. Wax-qoridu waxay ka mid tahay isgaarsiinta dadka taasi oo ka turjunta luuqada, dareenka iyo macluumaadka dadka. Sida caadiga ah, qoraalku waa lamaanaha hadalka, sababto ah qoraalka ayaa hadal loo bedeli karaa ama hadal ayaa qoraal laga dhigi karaa. Sidaasi darteed ayaa wax-qoristu qeyb uga tahay aasaaska isgaarsiinta aadahama.