YuutYuub
Goob la isku dhaafsado muuqaallada / From Wikipedia, the free encyclopedia
Youtube, loo qoro YouTube waa aalad internet maqal-iyo-muuqaal ah xarunteedu tahay San Bruno, Kaliforniya wadanka Mareykanka, midaasi oo isticmaalayaashu soo geliyaan maqal-muuqaal (video) kala duwan.Youtube waxaa sameeyay sadex dhalinyaro ah sanadkii 2005ta. Bishii Nofembar 2006da ayaa waxa websiteka Youtube lacag dhan US$1.65 bilyan ku iibsaday Shirkada Google oo ilaa maanta gacanta ku heeysa websitekaasi.[4].
File:YouTube Homepage Dec 7 2012.png | |
Nooca | Hoosgale |
---|---|
Waxaa la asaasay | Febraayo 14, 2005; 19 sanadood ka hor (2005-02-14) |
Headquarters | 901 Cherry Avenue, San Bruno, Kaliforniya, Maraykanka |
Banaan u adeegay | Dunida oo dhan (marka laga reebo wadanada laga xanibey isticmaalka Youtube-ka) |
Aasaasayaasha |
|
Dadka Muhiimka | Susan Wojcicki (Sarkaalka Ugu Sareeya) Chad Hurley (La taliye) |
Industry | Internet Adeeg Maqal-Muuqaal |
Waalidka | Independent (2005–2006) Google (2006–wakhti xaadirka) |
Dhigyo | Warbaahi naftaada (2005–2012) |
Website | YouTube.com |
Written in | Python[1] iyo JavaScript |
Alexa garaado | 3 (July 2015[update])[2] |
Advertising | Google xayaysiis |
Diiwaan-qoritaan | Ikhtiyaar (khasab ma ahan inaad isdiiwaangeliso si aad u daawato maqal-muuqaal; laakiin waa inaad ciwaan leedahay si aad u soo geliso fiidiyoow ama faalo aad uga bixiso. Waxaa jira maqal-muuqaal la rabo in qofku yahay qaangaadh (18+) si uu u daawado aaladahaasi.) |
Available in | 76 luuqadood oo kala duwan[3] |
Launched | Febraayo 14, 2005; 19 sanadood ka hor (2005-02-14) |
Current status | Hada shaqeynaya |
- Kani waa maqaal ku saabsan aalada internetka maqal-iyo-muuqaalka ah ee Youtube. Isticmaalo kale fiiri "Youtube isticmaal kale".
YouTube maanta waxay ka mid tahay rukunada ugu waaweyn ee macaashka badan ka soo galo shirkada Google.[5] Websitekan wuxuu u shaqeeyaa nidaam ka duwan adeegyada kale ee laga helo internetka, waxaa isticmaalayaasha loo oglol yahay ineey soo geliyaan isla markaana wadaagaan maqal-muuqaal nooc kasta leh.
Sidoo kale waxaa la ogol yahay faaleynta, xarkeynta iyo kala sareeysiinta fiidiyoowyada laga helo websitekaasi. Isticmaalayaasha waxaa loo ogol yahay maqal-muuqalo ka kooban heeso, filimaan, xayaysiis iyo kuwo kala duwan. Sidaas ay tahay waxa jira noocyo badan oo fiidiyoow aan la ogolayn soo gelinta Youtubeka, gaar ahaan filimaanta galmada, anshax xumada iyo akhlaaq darida ah.